Puntland oo sheegtay in ciidamo katirsan Gor Gor foodo iyo dagaal ka wadaan Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa si adag uga hadlay dagaal culus oo maanta magaalada Boosaaso ku dhax maray ciidamo katirsan maamulkaasi iyo ciidamada gadoodsan ee PSF ee ka amar qaata taliyihii xilka laga qaaday ee ciidankaasi.

Duqa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Puntland Cabdiqani Deerdile oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay dagaalka maanta ka qarxay magaalada Boosaaso in ay bilaabeen ciidamada PSF uu ku tilmaamay koox amardiido sameeysay.

Waxa uu sheegay Duqa Boosaaso in kooxda Boosaaso foodada ka wada ay sheegteen in ay katirsan yihiin ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gor Gor ee leedahay dowlada federaalka, kuwaa uu xusay in bilaabeen in madaafiic magaalada ku garaacaan.

Duqa magaalada Boosaaso ayaana sheegay in kooxda amardiidka sameesay ee joogta Boosaaso doonayaan in magaalada carqalad galiyaan, waxa uuna digniin u diray ciidamada PSF ee kasoo horjeeda ciidamada kale ee Puntland .

Hadalkan kasoo yeeray duqa magaalada Boosaaso ayaa dad badan la yaabeen isna weediiyeen sida ciidamada Gor Gor ku gaareen magaalada Boosaaso, iyada oo la ogyahay in ciidamada Puntland kasoo horjeeda yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PSF .

Dagaalka ka dhacay maanta magaalada Boosaaso ayaa labada dhinac midbo kan kale ku eedeeyay in ay bilaabeen, mana cada ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan maanta ka bilowday magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -