Digniino laga bixiyay dagaal culus oo mar kale ka dhex qarxa Puntland iyo Somaliland

Warbixin ay soo saartay hey’adda xasaradaha aduunka International Crisis Group  ee loo soo gaabiyo (ICG) ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo dagaal markale ka dhex qarxa maamulada Puntland iyo Somaliland kuwaasoo isku haya gacan ku haynta deegaano kamid ah gobolka Sool.

Warbixinta ayaa qortay in madaxda labada maamul ay sare u qaadeen lahjadooda dagaal iyo hadalada xanafta leh ee ay hawada isku marinayaan isla markaana ay  ka dhaga-fureysteen waan-waan lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisada dagaal ee u dhexeysa.

Ismari-waaga u dhexeeya labada dhinac ayay warbxintu sheegtay in uu marayo heerkii ugu xumaa abid, kadib markii labada maamul ay ciidamo hor leh ku daabuleen meel udhow deegaanka Tukaraq oo ah halka lagu dagaalamayo.

Iska hor-imaad dhexmara Puntland iyo Somaliland ayay warbixintu sheegtay in uu yeelan doono cawaaqib xumo ku timaada dhinaca waqooyi sidoo kalena daganaanshiyo la’aan u keenta dalka intiisa kale..

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dagaal dhexmara labada dhinac ay fursad u noqon doonto ururka Al-shabaab iyo Daacishta ka dagaalanta Puntland kuwaasoo khalkhal gelin kara amniga xili buuraleyda galgala ee Puntland ay ku dhuumaa-leysanayaan dagaalamayaal ka tirsan labada dhinac, waa sida lagu yiri warbixinte.

Hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka, kuwa Afrika,Hawlgalka QM ee Soomaaliya, Itoobiya,Imaaraadka Carabta iyo Deeq bixiyeyaasha caalamka ayay warbxintu sheegtay in laga doonayo in ay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo colaada.

Gaba gabada ayaa warbixintu sheegtay in dagaal la galaa uu khasaaro badan keenayo kaasoo hurin kara colaada sano jirsatay ee u dhexeysa labada maamul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -