Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug oo maanta kusii jeeda magaalada…

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo isna gaaro Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda qaban qaabo balaaran oo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta wefdiga ay kala hogaaminayaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ee kusii jeeda Galmudug.

Madaxdan kusoo jeeda magaalada Baydhabo iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in kulamo kala duwan yeeshaan, waxaana inta badan kulamadan diirada lagu saari doonaa arimaha doorashada iyo dar dargalintooda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay galinkii dambe ku laabtay magaalada Baydhabo kadib safar labo cisho ah uu ku sugnaa magaalada Kismaayo halkaas uu kulamo hoose kula soo qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamo cusub oo Milatari ah oo la geeyay Degmo Al Shabaab Go’doomiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Warshadii qaraxyada Daacishta Soomaaliya oo xalay la gubay

Cabdi Cade

Iran oo qiratay in ay soo riday Diyaaradii Ukrine iyo talaabo laga qaadi doono cidii ka dambeesay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---