Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo & Khasaare ka dhashay

Dagaal geystay Khasaare nafeed ayaa ka dhacay kontrol ay joogeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo socday muddo saacad ku dhow ayaa ymid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen kontrolkaas, waxayna isku fara saareen  Ciidamada Jubbaland.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, balse aysan si rasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Weerarkan ayaa yimid xili Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo ka wadaan degaano ka tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -