Baarlamanka Jubbaland oo ansixiyey dalab ka yimid Axmed Madoobe

Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland, kaasoo ay cod uga qaadayeen codsi uga yimid Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

codsigan ayaa ahaa in baarlamanka ay xili kordhin u sameeyaan mudada uu ku soo magacaabayo golihiisa cusub ee wasiirada ka dib markii uu dhamaaday xiligii loogu talo galay ee uu fasaxayey dastuurka maamulkaas.

Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh waxay ku ansixiyeen codsiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo ahaa inay muddo kordhin ugu sameeyaan xilliga uu ku soo dhisayo Golahiisa wasiirada Cusub.

Dhammaan Xildhibaanadii soo xaadirtay kulanka ayaa u codeeyay in muddo kordhin la sameeyo mana jirin cid ka aamustay sidaas darteed waxaa halkaas lagu ansixiyay muddo kordhintii uu soo codsaday Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -