Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay Shirmadexeedka 35-aad ee Midowga Afrika.
 
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.
 
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay Shirweynaha, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Saambiya Mudane Hakainde Hichilema iyo Gaana Mudane Nana Akufo-Addo, oo ay ka wada hadleen xoojinka iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya iyo wax wada qabsiga dowladaha Qaaradda Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo u jabaabay dadka dhaleeceenaya Doorashadii ka dhacday Galmudug

Cabdi Cade

AMISOM oo lagu wareejiyey gaadiid loogu talo galay howlaha doorashooyinka (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka ATMIS iyo kuwa DF oo howlgal wadajir ahj ka bilaabay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---