Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toogasho kale oo ka dhacday magaalo kutaala dalka Mareykanka (Daawo Sawirada)

Nin hubeesan ayaa weerar ku qaaday dad ku sugnaa baar kuyaala Dayton gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 9-qof ayaa ku dhintay toogashada ka dhacday Baarka kuyaala magaalada Dayton, waxaa sidoo kale toogashadan ku dhaawacmay dad ka badan 15-qof sida booliisku sheegeen.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in nin hubeesan weerar ku qaaday goob baar ah, waxaana goobjoogaaal sheegeen in weerarkan uu fuliyay nin cadaan ah oo xirnaa dhar madow.

Toogashadan ayaa noqoneysa tii labaad oo saacado gudahpood ka dhaca dalka Mareykanka, toogasho kale uu geestay nin hubeesan ayaa saacado kahor lagu dilay dad gaaraya 20-ruux halka tiro intaa ka badana lagu dhaawacay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Afrikaan ah oo ku guuleysatay tartanka Quruxda dunida (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaafiic caawa lagu weeraray Garoonka dayuuradaha Muqdisho & Xerada Xalane

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey booqashada RW Xamza ku joogo Magaalada Doha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---