Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay in ay dileen 30-askari oo katirsan ciidamada Kenya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaaday deegaano hoostaga magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in xubno katirsan kooxdooda dagaal kula wareegeen tuulada Konton ee hoostagta deegaanka Qorof-Xaraar ee hoostaga magaalada Wajeer halkaas oo ay ka carareen ciidamo ku sugnaa.

Ciidamo gurmad ah oo kusii jeeday deegaanka Al Shabaab la wareegeen ayaa la sheegay in qarax miino lala eegtay uuna soo gaaray khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qaraxa ciidanka gurmadka ee Kenyanka ah lagu dilay 30-askari tiro kalana lagu dhaawacay , waxa ayna xuseen in howlgalkaasi jab xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya.

Dowlada Kenya ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarkan Al Shabaab guusha ka sheegteen, waxaana weerarkan kamid noqonayaa weerarada gaadmada ah ee Al Shabaab inta badan ka geestaan gudaha Kenya gaar ahaan deegaanada xadka kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Maamulka Puntland oo Gaadiid dagaal ku wareejiyey Galmudug

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha oo sii xoogeysanaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---