War Cusub oo kasoo kordhay ninkii Faransiiska u xireen kiiska Dilka Jamal khashoggi

Ciidamada amaanka dalka Faransiiska ayaa garoonka diyaaradaha Charles de Gaulle ee magaalada Paris ku xiray nin dhalinyaro ah oo u dhashay Boqortooyada Sacuudiga kaa oo lagu tuhmay in uu ku lug lahaa dilka Wariye Jamal khashoggi oo Istanbuul lagu dilay.

Khaled Alotaibi, oo 33 jir ah ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha kadib markii Cumputerka qeyliyay markii la galiyay baasaboorkiisa, waxaana ninkna lagu xiray warqad soo qabasho ah oo horey uga soo baxday dalka Turkiga.

Dacwad oogayaasha dalka Faransiiska ayaa sii daayay Khaled Alotaibi oo la xiray xili Sacuudiga kusii jeeday, waxaana Dacwad oogayaasha sheegeen in baaris kadib ninkan lagu waayay wax dambi ah sidaasna lagu sii daayay.

Ninkan la xiray ayaa lagu qalday nin kale oo kamid ahaa ilaalada Boqortooyada Sacuudiga oo la sheegay in ninkan isku magac iyo isku da’yihiin sidoo kale muuqaal ahaan ninkan uu shabaho ninka la baadi goobayo.

Safaarada Sacuudiga ku leedahay magaalada Paris ayaa horey u sheegtay in muwaadinka la xiray uusan laheyn wax dambi ah, waxa ayna ugu baaqeen laamaha amaanka in ay sii daayaan una ogolaadaan in safarkiisa sii wato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -