Siyaasi sheegay in Ciidamadii Eritrea loo qaaday dalka lagu soo celinayo si loogu qabsado…

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhalinyaro badan u qaaday dalka Eritrea halkaas oo lagu siiyay tababar mudo dheer socday, dhalinyaradaasi ayaana la sheegay in qaar badan oo kamid ah ku dhinteen Eritrea halka kuwa kalana la sheegay in Itoobiya lagu dilay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in dhalinyarada Eritrea loo qaaday markii hore lagu siray in loo qaadayo dalka Qatar si dalkaasi ciidan uga noqdaan balse la geeyay dalka Eritrea.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in dhalinyaradan qaar badan oo kamid ah ku dhinteen gudaha Eritria kadib ciqaab uu sheegay in loo geestay halka kuwa kalana ku dhinteen iyaga oo Itoobiya difaacaya.

”Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka. Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay” ayuu yiri CC Warsame.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kumanaan katirsan dhalinyarada Eritrea loo qaaday dalka lagu soo celinayo si dagaal loo galiyo looguna qabsado magaalooyin, waxa uuna xusay in Farmaajo doonayo in awood ka dhigto ciidankan.

”Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado. Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin.” ayuu yiri Warsame.

Siyaasigan ayaa ugu baaqay waalidiinta dhalay dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee dalka lagu soo celinayo in aysan caruurtooda u ogolaan in dagaal la galiyo noloshooda ahalis kale la galiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -