Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo lacag ugu deeqay Soomaaliya iyo wax lagu qabanayo oo la shaaciyay

Dowlada Mareykanka ayaa lacag ugu deeqday wax ka qabashada abaarta xiligan ka jirta qeybo kamid ah Soomaaliya, abaartan ayaana galaafatay nolosha dad iyo duunyo iyadoona laga cabsi qabo in ay kasii darto.

Hay’adda Caalamiga ah ee Mareykanka u qaabilsan dhinaca gargaarka ee USAID ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan 2 Milyan oo Dollar si wax looga qabto abaarta ka jirta deegaano katirsan Soomaaliya.

Lacagtan ayaana Hay’adda USAID ugu tala gashay in gar gaar lagu gaarsiiyo dadka ay saameynta xun ku yeelatay abaarta, lamana sheegin xiliga lacagtan Mareykanka wareejinayaan si dadkaasi loogu gurmado.

Soomaaliya qeybo kamid ah waxaa xiligan ka jira abaar sababtay in ay dhamaadaan xoolo badan halka dadna abaarta u dhinteen, waxaana sanadkan u muuqataa in dowlada  wax ka qabashada iyo u gar gaarida dadka dhibaateesan uga mashquushay Doorasho.

Abaarta ugu daran ayaa sanadkan ku dhufatay deegaano hoos taga dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo iyo Jubada Hoose, waxaana adag goobaha abaaraha ku dhufteen qaarkood in gar gaar lala gaaro .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka SSC oo gacanta ku dhigay Gudoomiyihii Maxkamada G/Sool ee Somaliland

Caydiid Ali

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray weerarkii Hotelka SYL iyo Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

Sidee u dhacay aaska Majaajiliste Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) ?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---