Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabay eedeyn ka soo yeertay Ururka Jaamacadaha

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa beeniyay in wax Canshuur ah uu ka qaado xarumaha Waxbarasho ee ku yaala Magaalada Muqdisho islamarkaana arrintaas aysan qeyb ka aheyn qorshaha Dowlada Hoose ee Xamar.

Shir Jaraa’id uu qabtay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa waxa uu ku beeniyay war kasoo baxay qaar kamid ah Jaamacadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho kuwaas oo sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay Canshuur siiyaan.

“Waxaan xaqijinaynaa ineysan jirin haba yaraatee wax canshuuro ah oo maamulka gobolka Banaadir ku soo rogay goobaha waxbarashada, sida iskuulada iyo Jaamacadaha” ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir.

Saalax dheere ayaa intaas ku daray in Maamulka gobolka iyo kuwo degmooyinka aysan jirin ciidamo ay u direen xarumaha Jaamacadaha si ay canshuur uga soo qaadaan.

“Maamulka gobolka Banaadir waxaa uu xaqiijinayaa iney ka go’an tahay sidii ay gacan u siin lahaayeen goobaha Waxbarashada, mana jiro go’aan canshuur ama wax u eg looga qaadayo, waxaan ka codsaneynaa madaxda jaamacadaha arrintaas ku eedeeyey maamulka gobolka iney hubiyaan dadka canshuuraha weydiisanaya, ayna raali gelin ka bixiyaan eeda ay u jeediyeen Maamulka gobolka” ayuu sidoo kale yiri afhayeenka gobolka.

Warkan ayaa waxaa uu jawaab u yahay hadal ay shalay soo saareen  Ururka Jaamacadaha Soomaaliya oo ku eedeeyey xafiiska canshuuraha degmooyinka gobolka Banaadir in handadaad iyo xiritaan ay u geysteen macalimiinta iyo hawlwadeenada jaamacadaha Muqdisho.

Ururkan ayaa sheegay in hawlwadeenada xafiiska canshuuraha ee degmooyinka gobolka Banaadir, oo ay wehlinayaan ciidamo hubeysan ay tageen xarumaha jaamacadaha, si ay canshuur uga soo qaadaan.

Ururkan ayaa sharci darro ku tilmaamay canshuur ururintan, iyagoo ku dooday inaaney jirin sharci sheegaya in canshuur laga qaado goobaha waxbarashada iyo dadka ka shaqeeya.

Ilo madax banaan ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey in howlwadeeno iyo ciidamo ka amar qaata Aggaasimaha waaxda canshuuraha gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Jurus ay tageen qaar ka mid ah xarumaha Jaamacadaha, isla markaana weydiisteen iney bixiyaan lacago canshuuro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -