Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abiy Ahmed oo ku laabtay xafiiskiisa Addis ababa, War cusubna soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib ugu laabtay xafiiskiisa magaalada Addis ababa kadib markii todobaadyo uu ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah fallaagada TPLF.

“Waxaan dib ugu laabtay xafiiska xilli aan si guul ah ugu soo afjaray wajigga koowaad ee dagaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Itoobiya ay magaalooyin muhiim ah ka qabsadeen TPLF, iyagoo haatana isku diyaarinaya iney galaan magaalooyin kale.

TPLF ayaa sheegtay iney xeelad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinka ay di u qabsatay dowladda, aysana jirin dagaal lagu jebiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiiskii “MOU”-ga Miyaa Soomaaliya Badbaadiyay Mise Isagaa Dhigay Meesha Xilka Leh?

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo Shir ka shaaciyay cidda ay u yaalaan Isbaarooyinka Hirshabelle (Sawirro)

Cabdi Cade

Warbixin ay ka caroodeen haweenka Soomaalida oo laga sii daayey Warbaahinta Denmark

Caydiid Ali
Taboola Ads ---