Itoobiya oo soo bandhigtay kumanaan Maxaabiis ka tirsan TPLF (Sawirro)

Dowlada Itoobiya ayaa soo bandhigtay kumannaan maxaabiis ah oo ka tirsanaa kooxda TPLF ee dagaalka kula kula jirta ciidamada dalkaas.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in maxaabiistan ay iskugu jiraan kuwo isa soo dhiibay iyo qaar la qabtay iyagoo dagaalamaya.

RW Abiy Ahmed oo ciidamadiisu guulo lama filaan ah ka gaareen dagaalka ayaa maamo ka hor ugu baaqay ciidamada TPLF iney isa soo dhiibaan oo naftooda badbaadiyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa dhinaca kale sheegtay iney magaaloyin hor leh ka qabsadeen fallaagada TPLF, magaalooyinkasi oo ka tirsan deegaanka Amxaarada oo ay dagaallada ugu badan ka dhacayeen.

TPLF dhankooda waxay sheegeen magaalooyinka laga qabsaday qaarkood iney uga baxeen xeelad dagaal.

Wasaaradda waxbarashada dalka Itoobiya ayaa xirtay dhammaan dugsiyada sare ee dalkaasi si ardayda ay dadka beeraleyda ahi ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada beeraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -