Ciidamada Dowlada oo Caawa fal kale oo laga argagaxay ka geestay Muqdisho

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo la socday gaari nuuca dagaalka ah ayaa caawa rasaas ku furay dad shacab ah oo marayay agagaarka Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Rasaasta ay fureen ciidamada dowlada ayaa madaxa uga dhacday nin dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka laamiga marayay, waxaana wiilkan oo dhaawac culus qaba loo qaaday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wiilka rasaasta ay fureen ciidanka dowlada ku dhacday oo lagu magacaabo Mahad C/raxmaan Maxamuud ayaa ku geeriyooday isbitaalka Digfeed ee Muqdisho kadib markii dhaqaatiirta ku guul dareesteen in ay bad baadiyaan.

Baraha bulshada ayaana caawa si weyn looga hadal hayaa dhacdaan iyadoo wali dad badan dhagahooda kasii guuxeyso dhacdadii ciidamo katirsan dowlada xalay ku dileen Wiil iyo gabar walaalo ah oo iyana marayay laamiga Maka Al Mukarama.

Ciidamada dowlada ayaana inta badan rasaas aan loo meel dayin ku rida dadka shacabka xiliyada laamiga uu ka jiro jaamka ama cariiriga, waxa ayan labadan dhacdo abuureen caro xoogan oo ka timid dhinaca shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -