Ciidanka Booliiska oo qabtay Askartii dishay Wiilkii iyo Gabadhii Walaalaha ahaa

War qoraal ah oo caawa kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen askartii ka dambeesay dilka Wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa ee xalay lagu dilay Isgooska Dabka.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in baaris kadib ay aqoonsadeen gacantana kusoo dhigeen askartii ka dambeesay dilka Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo ahaa walaalo wada socday xiliga la dilayay.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Waxaa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska.

Taliska Booliisla Soomaaliya ayaa sheegay in raga dilka loo heesto oo lagu kala magacaabo Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ay hada ku jiraan gacanta booliiska lana horgeyn doono cadaalada.

Askartan ciidamada amaanka soo qabteen  ayaa xalay dil dad badan ka argagaxeen u geestay wiil iyo gabar walaalo ah, ehelada walaalaga la dilay ayaana sheegay in aysan aasi doonin caruurtooda ilaa ay cadaalad ka heleen lana soo qabto dambiilayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -