Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo faahfaahin ka bixiyey walaalihii xalay lagu dilay Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliya  Cabdifitaax Aadan Xassan ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu u dhacay dilka Sowdo iyo Sakariye oo ahaa labo walaalo ah oo xalay la rasaaseeyey xili ay marayeen isgoyska dabka

Cabdifitaax Aadan Xassan ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay xalay Isgoyska Dabka, isla markaana ay geysteen Ciidamo Millateri ah oo saarnaa gaari Cabdi Bille, kuwaasoo uu sheegay inay rideen rasaas si ay ugu furtaan wadada oo jaam badan uu ka jiray

“Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan hay’adda dambi baarista ee CID ayaa waddo baarista kiiskan, dhawaana war ayaan ka soo saari doonaa” ayuu yiri.

Ehellada labada marxuum ee Sakariya iyo Sowda ayaa sheegay inaan la Aasi doonin meydadkooda ilaa laga helayo Cadaalad, lana soo xirayo kuwii falkaas ka dambeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kusii jeeda mid kamid ah dalalka Carabta

Cabdi Cade

Madaxweyne hore Lee Myung-bak oo lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah

Cabdi Cade

Masuuliyiin markii ugu horreysay ku safray waddo isku xirta Kismayo iyo Afmadow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---