Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kusii jeeda mid kamid ah dalalka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalinta talaadada ah safar ku tagaan dalka Qadar .

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar oo ah mid rasmi ah waxaa ku wehlin doona Wasiiro badan oo katirsan Xukuumada Soomaaliya kuwaa oo heshiisyo lasoo saxiixan doona dhigooda dalka Qadar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka uu tago dalka Qadar la kulmi doona Madaxda sare ee dalkaasi, waxa uuna Madaxweynaha kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada wadan iyo kordhinta taageerada ay siiso Qadar dowlada Soomaaliya.

Dalka Qadar ayaa xiriir wanaagsan xiligan la leh dowlada Soomaaliya, waxa ayna Dowlada Qadar dhawana mashaariic horumarineed gaar ahaan dhismaha Wadooyin ka fulin doontaa wadooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Dowlada Soomaaliya ayaa go’aan dhax dhaxaadnimo ah horey uga gaartay go’doomintii Qadar lagu sameeyay, waxaana safarka Madaxweyne Farmaajo Qadar ku tagayo noqonaya kii labaad uu dalkaasi ku tago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -