Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta saxiixay Miisaaniyada Dowlad Goboleedka Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta oo jimco ah saxiixay miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022 .
 
Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee sanadka 2022 ayaa waxaa horey u ansixiyay Baarlamaanka Galmudug, waxaana u harsanaa kaliya saxiixa Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor..
 
Munaasabadda saxiixa Miisaaniyadda ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid iyo Wasiirka Maaliyadda Galmudug oo soo diyaariyay miisaaniyada maamulka ku howlgalo.
Maamulka Galmudug ayaa sanadkii ku baxda lacag malaayiin dollar ah, maamulkan ayaana laheyn ilo dhaqaale oo sidaa u badan, waxaana Galmudug lacaga miisaaniyada ku baxda kabta dowlada federaalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -