Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo mar kale loo doortay Xildhibaan

Waxaa goordhaw doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed loogu doortay in uu kamid noqdo Golaha Shacabka Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa kursiga sumadiisu tahay HOP189 waxaa kula tartamay musharax kale oo lagu magacaabo Xasan Cali Maxamed kaa oo la tilmaamay in uu ahaa musharax malxiis ahaan doorashada ku matalayay.

Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay codad gaaraya 63-cod halka musharaxa la tartamayay Xasan Cali Maxamed uu isna helay 11-cod.

Doorashada ka socota magaalooyinka Baydhabo, Dhuusomareeb iyo Muqdisho ayaa dhamaantood ah kuwa natiijada kasoo baxeysa lasii ogyahay ayna ku guuleesanayeen xubno horey loo sii calaamadeeyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden: “Dantii aan ka laheyn dalka Afghanistan waan ka gaarnay”

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xuska Maalinta caalamiga ah ee 1-da Maajo

Caydiid Ali

Ergeygii hore ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somalia oo xil cusub loo magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---