AMISOM oo War ka soo saartay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii fulaynimada ahaa ee subaxnimadii Khamiista ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah oo ay ku jireen carruur iskuul.

Abaare 7:30 Subaxnimo ayaa Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa waxa uu ku qarxay Degmada Hodan meel ku dhow Iskuul, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Arday, dad kale oo aan waxba galabsan iyo burbur hantiyeed.

“Ma jirin wax kolonyo ah oo AMISOM ah oo ku sugnaa goobta uu weerarku ka dhacay iyo nawaaxigeeda xilliga uu qaraxu dhacay, mana jirto wax hanti ah oo AMISOM iyo dad ka tirsan oo uu qaraxaas saameyn ku yeeshay, sida ay Al-shabaab u sheegtay been-abuur. Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday shirkad amnigeeda si gaar ah loo leeyahay” ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fuleynimada ah ee lagu qaaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, kuwaasoo ku guda jira howlahooda maalmeed. Tani waa cadeymo kale oo muujinaya in Al-Shabaab aysan ixtiraamin nolosha aadanaha. AMISOM waxay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya xilligan adag, waxayna sii wadi doonaan taageerrada ay ku bixinayaan nabadeynta iyo sidii nolosha caadiga ah looga dhigi lahaa dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa AMISOM, Ambassador Francisco Madeira.

Danjire Madeira ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -