Midowga Yurub oo shaaciyey iney isha ku hayaan sida ay u socoto doorashada Somalia

Midowga Yurub ayaa sheegay inay la socdaan muranka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa waxay soo dhaweeyeen in xal laga gaaro khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Sare ee dowladda kaasoo ka dhashay maqnaanshaha Ikraan Tahliil, isla markaana caqabad ku ahaa arrimaha doorashooyinka.

Midowga Yurub ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin weeraradii ugu dambeeyay ee Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya, iyaga ooo sidoo kale muujiyay walaac la xiriira weeraro kale oo Al-Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.

Waxay Dhinaca kale ugu baaqeen Madaxda Soomaalida in la dhameystiro doorashooyinka Soomaaliya wixii ka horeeya dhammaadka sanadkan 2021 si aysan u uga dhicin dalka xasilooni daro siyaadadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -