Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii lala beegsaday Macalimuu iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa barqadii maanta lala beegsaday gaari uu la socday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa afhayeenka xukuumadda waxaa kasoo gaaray dhaawac, waxaana xaalada caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu lagula tacaalayaa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in afhayeenka xukuumadda dhaawac fudud kasoo gaaray weerar lala beegsaday, waxaana xukuumadda sheegtay in dhaawac Macalimuu uu fudud yahay.

”Afhayeenka XFS Mudane Mohamed Ibrahim Moalimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar argagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaanna u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah.” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumadda

Wariye hore Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa marar badan ka bad baaday weeraro ismiidaamin ah iyo qaraxyo kuwaa oo qaarkood kasoo gaareen dhaawacyo ,waxaana manata mar kale lala beegsaday qarax la doonayay in nolosha lagu dhaafiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -