Allbanaadir.com
NEWS

Kulan xasaasi ah oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah guddiyada ganacsatada ka howlgasha suuqyada Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Feysal Maxamed Xaashi ayaa looga hadlay hanaanka maareynta canshuuraha laga qaado ganacsatada Gobolka Banaadir, iyadoona warbixin iyo talooyin laga dhageystay ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa boogaadiyay doorka ganacsatada ee ka qeyb qaadashada kobaca dhaqaalaha iyo taageerida dowladda, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal, asigoona madasha ka sheegay in uu ka shaqeyn doonno is waafajinta hanaanka canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda iyo talooyinka ay soo jeediyeen Ganacsatada.

Related posts

Dhayman aad u weyn oo laga helay dal kuyaala Qaarada Afrika (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Cirro oo daahfuray shir 9 qodob looga doodayo

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo dil & dhaawac u geystay dad shacab ah ka dib qarax lala beegsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---