Ra’isul Wasaare Jean Castix oo baaritaan ka dib laga helay cudurka Coronavirus

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castix ayaa laga helay fayraska Corona, sidaas darteena uu gali doono xaalad karantiil ah tobanka maalmood ee soo socda.

Ra’iisul Wasaare Jean Castix,  oo  hadda 56 sano jir ah ayaa la caddeeyay inuu haleelay Xanuunka Corona Virus, isaga oo horay u qaatay tallaalka ka hortagga xanuunkan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayuu ku dhacay  xanuunka Covid-19 bishii Diseembar 2020, sidokale tiro kamid ah  wasiirrada Faransiiska ayaa laga helay fayraskan, kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Maaliyadda Bruno Le Maire iyo Wasiirka Dhaqanka Roslyn Bachelot.

Inta badan waddamada reer Yurub ayaa la daalaa dhacayo sidii ay ugu hortagi lahayeen fitaanka mowjadaha cusub ee Covid 19, iyadoo horay inta dabadan dalalka Yurub loogu soo rogay xannibaado dhanka caafimaadka ah si loo xakameeyo xanuunkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -