Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay degmada Afgooye

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxa  loo adeegsaday miino la dhigay meel u dhow fariisin ciidamada amniga ku leeyihiin xaafada Xaawo Taako ee degmada Afgooye.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen qaraxaas, iyadoo dadka dhaawacmay ay ku sugnaayeen xarun Caafimaad oo u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo toddobaad gudihiisa ka dhaca degaanada Koonfur Galbeed.

19-kii bishan ayey aheyd markii degmada Bardaale ee gobolka Bay uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen afar qof kuna dhaawacmeen 10 kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha labada Aqal ee Jubbaland oo ka hadlay baaqii Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Dowladda oo u mahad celisay dalal Yurub kuyaala oo caawinaya Soomaalida Ukraine ka qaxday

Cabdi Cade

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday askar shalay dhaawacantay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---