Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Masuuliyiin uu dhowaan xilal u magacaabay RW Rooble oo la dhaariyey

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa Munaasabad ka dhacday  Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Golaha Shacabka ee Villa Hargaysa waxaa loogu dhaariyey xilka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirrada oo uu dhaariyey Hab-dhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Xasan ayaa waxaa munaasabadda dhaarintooda ka qayb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Ka dib munaasabadda dhaarinta, Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Arrinaha Dibadda ayaa booqasho iyo salaan ugu tegey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo  guddoomiyuhu ugu hambalyeeyey Wasiiradda mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, una rajeeyey in Eebbe u fududeeyo gudashadeeda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhowaan u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa 25-ka bishan xilka kala wareegi doona Wasiirkii hore, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Fight against Shabaab: Boni forest police reservists frustrated over poor pay – Daily Nation

admin

(Sawirro) Madaxweyne amar ku bixiyey in la laayo dibed-baxayaal diidan hogaankiisa

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya 19 Milyan oo Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---