Allbanaadir.com
NEWS

Fanaanad Caan ah oo Maanta Muqdisho ugu geeriyootay Cudurka Covid-19

Ilaah ha u naxariistee waxaa maanta Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho  xanuunka Covid-19 ugu geeriyootay fannaanadii Caanka ah kana tirsaneyd Hoobolada Waaberi Faadumo Cali Nakruuma.

Fanaanada ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay la ildarneed xanuunka Covid-19 oo loo jiifay isbitaalka Martiini, waxaana maanta la xaqiijiyay fanaanada in cudurkaasi u geeriyootay.

 

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya , Fanaaniin iyo dad kale ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ilaah ha u naxariistee Fanaanada Qaran Faadumo Cali Nakruuma oo mudooyinkii lasoo dhaafay kunooleed Muqdisho kadib markii ay kasoo laabatay qurbaha.

Cudurka Covid-19 ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku dilay fanaaniin iyo abwaano Soomaaliyeed oo dalka caan ka ahaa, waxa uu sidoo kale cudurkan dilay dad badan oo isugu jiray masuuliyiin iyo  dad kale oo caan ahaa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Bariise oo ka hadlay askar ka tirsan Booliska oo dilal ka geystay Muqdisho

Caydiid Ali

(Sawirro) RW Xamse oo dhowr arimood ku amaanay dowlada waddanka Qatar

Caydiid Ali

Aabbe waayeel ah oo dil argagax leh ka geestay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---