Sidee uu dhacay qaraxii caawa lagu dilay agaasime Cabdicasiis Afrika? (Xog cusub)

Allaha u naxariistee waxaa caawa Muqdisho ku geeriyooday Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ka dib qarax lala beegsaday gaarigiisa.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaas Sharma’arke Maxamed Warsame oo.ah Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo Cabdiqaadir oo wadde u ahaa Agaasimaha.

“Qaraxa sida ay cadeeyeen Kooxaha baarista Booliska waxaa fuliyey qof naftii hallige ah oo dhinaca ku dhagay gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha Radio Mogadishu iyo SNTV oo kasoo baxay Maqaayad ay ka casheeyeen oo ku taalla dhanka Boondhere wadada Busley” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta.

Qoraalka oo lagu baahiyey warbaahinta dowlada ayaa lagu beeniyey in qaraxa uu ahaa mid gaariga lagu xiray.

“Dhagar Qabaha ayaa waxa uu halmar ku soo booday Daaqada Gaariga kadibna waa isqarxiyay Sida ay qoraayaan warbaahinta ma ahan oo qarax Gaariga ku xiran, Waxaana yaala qeyb ka mid ah Jirka Naftii haligaha isqarxiyay” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibkey Afrika Maalmahaan wuxuu u diyaargaroobaayey safar, Wuxuu dalbaday Visa, asaga iyo hooyadiis si uu daawo ugu qaado dalka dibaddiisa, wuxuu soo goostay Tikid, wuxuuna qaatay warqaddii fasaxa safarka, wuxuu wareejiyay xilkii Agaasinka Raadiyaha, Xilliga bixitaankiisa waxaa ka harsanaa saacado balse safar kale ayuu aaday Caawa oo dhammaan loo wada socdo” ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo ka mid ah Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -