Shir looga hadlayay isku dhaca Qabiilooyinka oo lagu qabtay Jowhar (Sawirro)

Shirkan oo wax ka badalid lagu sameynayay warbixin mar hore la sameyay oo ku saabsan isku dhacyada qabiilooyinka kunool deegaanada Hirshabelle, waxaana shirkan soo qaban qaabiyay Xafiska Madaxweynaha Hirshabelle iyo Hay’adda UNDP.
 
Warbixintan markeedii hore sameysay hay’adda caalamiga BERGHOF ayaa wax ka badal kusameyay xafiska madax weynaha Hirshabelle oo kaashanaya Hay’dda UNDP project magaciisu yahay Reconciliation and Federalism Support oo loo soo gaabiyo REFS.
 
Shirkan ayaa socday mudo seddax cisho ah ka socday Magalada Jowhar ee casimada Jowhar intii u dhaxeysay 16-17-18-Nov-2021, waxaana shirkan wax kabdal lagu sameeyay ama ku darid ku saabsan arrimaha Conflict mapping Hirshabelle,
 
Shirkan socday mudada saddexda maalin ayaa waxaa ka qeyb galay odayaal dhaqameed, Dhallanyaro, Haween iyo bulshada rayidka Hirshabelle, waxa ayna ka dhiibanayeen aragtidooda ku saabsan wax kabadal hababka isku dhacdayada salka ku hayo.
 
Ugu danbeyntii Shirkan ayaa waxaa soo xiray xafiiska Madaxweynaha lataliyaal kasocday kuwaa oo u mahad celiyay wafuudii kasoo qeyb gashay shirkan mudada seddaxda cisha socday.
 
Shirkan ayaa hanaanka fogaan araga ugu qeyb qaateen qaar kamid ah wasiirada Hirshabelle iyo agaasimyaal ka socday wasaaradaha Hirshabelle si looga war hayo waxyaabaha ka dhacayo Gobolka.
 
Agasima kuxigeenka Hirshabelle Muda Mohamed ayaa ugu danbeyn qudbad kajediyay kusabsan barnaamijka socoda mudada seddaxda cisho.
 
Waxa kaloo hadlay shirka gudoomiyaha Dagmada Jowhar Mudane Osman Bare iyo Gudomiya Gobolka Shabeelada Dhexe, Kuxigeenka Gobolka Mudane Mohamed Sheikh Osman Xaandow.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -