Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOMALILAND

DF oo xil u magacowday Haweeney calanka Somalia loogu xiray Somaliland (Sawirro)

Haweeney kasoo jeeda Magaalada Boorame oo muddo laba jeer ah uu maamulka Somaliland u xiray Calanka Soomaaliya ayaa xil looga magacaabay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska xukuumada Soomaaliya.

Degan Cumar Daahir ayaa mar ku lebisatay, mar kalena gogol ka dhigatay calanka Somalia taasoo sababtay in la xiro ka dib markii ay soo dhigtay sawirradeeda baraha bulshada

Haweeneydan ayaa markii la sii daayey u soo baxsatay magaalada Muqdisho, waxayna sidoo kale la kulantay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadibna waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo loo magacaabay La-taliyaha Wasiirka ee dhinaca dhaqanka iyo Dhiirigelinta Dalxiiska.

Xilka ayaa lagu magacaabay wareegto kasoo baxday Wsiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta diidan Laftagareen oo Shuruudo ku xiran shirka Dib u heshiisiinta ee la qabanayo

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro uu kasoo gaaray dad Shacab ah oo ka dhacay Duleedka Baraawe

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni oo Shir looga hadlayo qodobo muhiim ah ka furay Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---