Allbanaadir.com
NEWS

Shan qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Weerar ka dhacay Duleedka Warsheekh (Daawo Sawirro)

Kooxo hubeesan ayaa rasaas ku furay gaari nuuciisu ahaa Homy xili uu marayay deegaan lagu magacaabo Boos Dacaar oo kuyaala duleedka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Inta la xaqiijiyay rasaasta lagu furay gaariga Homy-da waxaa lagu dilay shan qof oo la sheegay in 4 kamid ah ahaayeen isku qoys gaar ahaan Ilmo adeero, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad kale oo ku jiro darawalkii gaariga.

Weerarkan gaariga lagu qaaday ayaa la sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil, waxaana goobta uu weerarku ka dhacay gaaray Gudoomiyaasha degmooyinka Balcad iyo Warsheekh si ay xaalada u dejiyaan.

Waxaa hada socda baaritaano ku aadan ragii ka dambeeyay weerarka shanta qof lagu dilay, waxaana aaga weerarku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo ka tagay Degmada Warsheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Madaale oo shaaciyey go’aan ka nixiyey Shaqaalaha G/Banaadir

Caydiid Ali

Israa’iil oo Shaacisay waqtiga suurto gal ah ay weerar ku qaadi karaan xarumaha Nukliyeerka Iran

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Maxkamada sare oo ka hor yimid xil ka qaadistii Farmaajo ku sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---