Allbanaadir.com
MUQDISHO

Ciidanka ilaalada xeebaha Galmudug oo qabtay Markab laga leeyahay Shiinaha (Sawirro)

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay inay ciidamada maamulkaasi ee Ilaaladdda xeebaha ay qabteen Markab laga leeyahay dalka Shiinaha, kaasoo ay sheegeen inuu wadey kalluumaysi sharci darro ah.

Markabkan ayaa waxaa laga soo qabtey deegaano hoos tago magaaloo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Markabka waxaa saaran, oo sidoo kale lala soo qabtay dhowr iyo toban shaqaalo ah oo u kala dhashey dalal kala duwan, sida ay sheegtay Galmudug.

Waxaa markabka haatan la keenay xeebta degmada Hobyo, iyadoo ay ilaalo ka hayaan ciidamada Galmudug, waxayna saraakiishu sheegeen in markabkan iyo shaqaalaha la socday la soo taagayo Maxkamad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay danta Siyaasadeed ee Deni ugu jirta wax ka bedelka dastuurka Puntland?

Caydiid Ali

Guddoonka Baarlamanka Somalia & madaxdii hore ee dalka oo kulan kale yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiye Mursal oo xeer jabab ku dhameynaya muranka kala dirista guddiga Maaliyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---