Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amaro cusub oo lagu soo ragay dhamaan dadka tagaya dalka Mareykanka

Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay amaro cusub oo lagu soo rogay dhamaan dadka tagaya dalkaasi ee isugu jira muwaadiniinta iyo sidoo kale dadka kale ee ajaaniibta ah si looga hortago cudurka Covid-19 ee dalkaasi ku sii faafaya.

Wasaarada caafimaadka dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in qof kasta oo tagaya dalka Mareykanka laga doonayo in uu heesto warqad caddeyneysa in laga soo baaray lagana waayay xanuunka COVID-19.

Xarunta Xakameynta iyo ka hortagga Cudurrada ee loo so gaabiyo CDC ayaa sheegtay, in amarkaan oo muddo laba todobaad ah ku dhaqangali doono uu qaban doono, muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa ajnabiga ah ee u soo safraya Mareykanka.

Amarkan ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 gudaha Mareykanka, waxaana shalay kaliya dalkaasi ugu dhintay cudurkan dad gaaraya 4,500 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/OrEDV3-_EXA

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay dedaalkii Wakiilada Beesha Caalamku ka wadeen Kismaayo

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Qoor Qoor (Sawirro)

Cabdi Cade

Adeegsiga Xijaabada fashionka oo adduun lacageed badan soo kordhinaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---