Xukuumada Itoobiya oo si kulul uga hadashay cunaqabateynta Maraykanka ee Eritrea

Dowladda Itoobiya ayaa cambaareysay talaabada Mareykanku cuno-qabateynta ugu soo rogayo dalka Eritreya.

War qoraal ah oo ay soo saartay maanta Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu ku guul-darraystay inuu ka fiirsado in kooxda TPLF ay gantaallo ku riday dalka madaxa-banaan ee Eritreya.

Itoobiya ayaa intaas ku dartay inay xaq u leedahay dowladda Eritreya inay ka jawaabto khatarta ku soo fool leh madax-bannaanida dhulkeeda iyo ammaankeeda.

Mareykanka ayaa cunnaqabateyn cusub saaray Eritrea, sababo la xiriira ka qeyb qaadashada colaadda dhimashada badan keentay leh ee dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia.

Cunnaqabatayntan cusub ayaa lagu beegsaday Ciidanka Difaaca Eretria iyo xisbi siyaasadeedka Madaxweyne Isaias Afwerki, Xisbiga Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda, iyo sidoo kale xubo kale oo ka tirsan dowladda.

“Ciidamada Eritrea ayaa ka howlgalay guud ahaan Ethiopia intii ay colaaddu socotay, waxaana ay mas’uul ka ahaayeen xasuuq, dhac iyo xadgudubyo dhanka jinsiga ah,” ayay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanku ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Eritrea ayaa ku dhaleeceysay Mareykanka in uu cunnaqabateyn hor leh ku soo rogay dalkeeda, iyadoo tallaabadaasi ku tilmaantay mid sharci darro iyo damiir xumo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -