Guddiga Doorashada Heer Federaal oo Digniin adag u diray Madaxda maamul goboleedyada

Waxaa dhawaan lagu wadaa in magaalooyin kuyaala dowlad Goboleedyada dalka ka bilowdaan doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka  11-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, ayaa sheegay in guddigooda diyaar u yahay qabashada doorashada Aqalka Hoose , waxa uuna cadeeyay in mudo bil ah kusoo dhameestiri doonaan doorashada.

Maxamed Xasan Cirro ayaa cadeeyay  in ay ku kalsoon yihiin shaqada ay hayaan guddigooda, isla markaana ay si cadaalad ah u dhamaystiri doonaan qorshaha hannaanka doorashada Xildhibaanada golaha shacabka.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaana uga digay madaxda dowlad goboleedyada dalka in ay faragalin ku sameeyaan doorashada Xildhibaanada golaha shacabka kana fogaadaan in musuq maasuq la sameeyo.

” Madaxda maamulada waxaan leenahay faraha kala baxa doorashada oo u daaya beelaha iska leh, marna raali kama noqoneyno in wax la musuq maasuqo , doorasho xor iyo xalaal ah ayaana rabnaa in ay dhacdo” ayuu yiri Gudoomiye Cirro.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee ka bilaabaneysa dowlad goboleedyada ayaa la sadaalinayaa in musuq maasuq badan ka dhaco kuraasta qaarna loo boobo ama loo xiro shaqsiyaad si gaar ah ay u wataan madaxda dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -