Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir looga hadlayo xaalada Itoobiya

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shir looga hadlayo Afgambigii ka dhacay dalka Sudan iyo xaalada colaadeed ee xiligan ka aloosan dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in Madaxda dowladaha ku bahoobay IGAD ay isugu imaanayaan shir 15-ka bishan, shirkan oo ka dhacaya Kampala ayuu sheegay in looga hadlayo xaaladaha Sudan iyo Itoobiya.

“15-ka November waxaa magaalada Kampala ka dhici doona shir ay isugu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qaybgeli galayo Madaxweynaheena, waxaa looga hadlayaa Inqilaabkii ka dhacay Suudaan & Xaaladda Itoobiya” ayuu yiri Wasiir Maxamed C/Risaaq.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa cadeeyay in mowqifka dowlada Soomaaliya uu yahay in wadahadal lagu dhameeyo xaalada colaadeed ee xiligan ka aloosan dalka Itoobiya.

“Wadahadalka iyo wax isla meel dhigidda ayaa ka wanaagsan in dad aan wax galabsan ay ku dhintaan, in dhaqaalaha & Dalka uu ku burburo, sidaas darteed waxa aan soo jeedineynaa in la wada hadlo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xiriir dhaw la leh Ra’isul Wasaaraha xaalku ku xun yahay ee Abiy Axmed, shirkan ka dhacaya dalka Uganda ayaana kusoo aadaya xili xoogaga TPLF iyo xoogag kale doonayaan in ay weerar ku qaadaan magaalada Adis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

WHO oo booqatay Isbitaalka Al-Shifa (Xaalad argagax leh oo ay ku soo arkeen)+Sawirro

Caydiid Ali

Masuul goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Shirkadda Somtel oo abaalmarisay qaar kamid ah Macaamiisheeda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---