Puntland oo kasoo horjeesatay Shir ka socda Imaaraadka Digniina u dirtay DF iyo Shirkado

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qoraal kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in aysan qeyb ka aheyn shirka todobaadka Shidaalka Afrika ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta, shirkaas ay ka qeyb galayaan masuuliyiin matalaya dowlada federaalka.

Puntland ayaa cadeesay in aysan qeyb ka aheyn fulinta sharciga shidaalka Soomaaliya ee la saxiixay 8-dii Febraayo ee sabnadkii 2020 , waxa ayna xuseen in sharcigan uusan waafaqsaneyn Dastuurka KMG iyo hanaanka qeybsiga kheyraadka dalka.

Qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland ayaana digniin adag loogu diray dowlada Federaalka Soomaaliya iyo shirkadaha caalamiga ah ee doonaya in heshiisyo la galaan dowlada federaalka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland#

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -