Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dowlad goboleedkii u horeeyey oo qabanaya doorashada 3 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa shaaciyey inuu magaalada Jowhar ku qabanayo doorashada Saddex ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Sida Wararka sheegayaan saddexda kursi ayaa ah kuwa ugu adag ee Hirshabelle gaar ahaan kuwa degaan doorashashadoodu tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddiga doorashada Maamulka HirShabeelle ayaa la filayaa iney soo saaraan saacadaha so socda jadwalka doorashada Saddexda kursi ee Golaha Shacabka.

Magaalada Jowhar waxaa ku wajahan Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, kuwaasoo korjoogto ka noqon doona doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee halkaas lagu qabanayo.

Doorashada labadii kursi ee ugu horeysay baarlamanka 11aad ayaa dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho kuwaasoo degaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Masar & Turki uma dhimanayan difaaca Somalia”

Caydiid Ali

Galmudug oo si adag uga hadashay Dilka Hogaamiyihii Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi

Cabdi Cade

Xeer Ilaalinta Qaranka oo Mas’uuliyiin hor leh u xirtay Musuq iyo baaris socota

Caydiid Ali
Taboola Ads ---