Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu celiyey dalka Turkiga ka db markii..(Sawirro)

Ilaalada Xeebaha ee dalka Greece ayaa dib ugu celiyay dalka Turkiga muhaajiriin Soomaali ah oo doonayay inay tahriib ku galaan wadamada Yurub.

Sida wararku sheegayaan Muhaajriintan oo saarnaa laba doonyood oo ah nooca bacda ka samaysan ayaa lagu soo celiyay Turkiga, iyagoo uu ka muuqday rafaad badan maadaama saacado farabadan ay Badda ku jireen.

Dowladda Greece ayaa gebi ahaanba diiday inay dalkeeda galaan Muhaajiriinta Soomaalida ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowr jeer dowladda Greece ay xirxirtay Soomaali isku dayeysay iney tahriib ku galaan dalkaas, si ay uga sii gudbaan Yurub inteeda kale.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay qulqulka dhalinyarada Soomaalida ah ee tahriibaya, kuwaas oo intooda badan marayay Badda u dhaxeeysa dalalka Turkiga iyo Greece, kuwaas oo mararka qaar ay soo gaarto dhibaatooyin kala duwan.

Dalalka Turkiga iyo Greece ayaa marin u ah tahriibayaasha Soomaalida ee doonaya iney galaan qaarada Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Dagaal culus oo mar kale caawa saqdii dhexe dib uga qarxay Garoowe

Caydiid Ali

Canada iyo Mexico oo ka jawaabay tallaabadii uu Trump qaaday

Cabdi Cade

Hanjabaadii iyo Dhaartii Sheekh Shariif oo la sheegay in dalka Bad baadisay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---