Abiy Ahmed oo si kulul uga hadlay wararka sheegaya inuu dalkiisa ka baxsanayo

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka ugu baaqay inay ku dadaalaan midnimada xilli dagaalo culus ay ka socdaan dalkaas.

Wuxuu sheegay in dalka uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan. Inkastoo ay dhammaantood isku dayeen inay dib noo celiyaan aynu hore u sii wadno midnimada ayuu yiri.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in daggaal xambaarsan borobogaando iyo been lagu furay dalka Itoobiya,

“Maalmahan waxay lahaayeen wuu baxsaday iyo Addis-Ababa ayaa lagu xeerran yahay. Kuwa idin waydiinaya ee leh Raisul Wasaarihii xagguu jiraa? Doontuu saarran yahay ku dhaha. Borobagando waxba nagaga qaadi mahayaan” ayuu yiri Abiy oo wacad ku maray inuu dagaalami doono ilaa daqiiqada u dambeysa.

Mucaaradka dagaalka kula jira dowladda Ethiopia ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inay sababi doonaan dhiig ku daata” magaalada Addis Ababa haddii ay soo galaan, ama ay la kulmi doonaan shacaba cadow ku ah.

Dhowr dal ayaa ku booriyey muwaadiniintooda inay ka baxaan Ethiopia, islamarkaana dowladda Mareykanka ayaa la baxday diblomaasiyiinteeda, ayada oo uu sii xumaaday dagaalka sanadka ka socda waqooyiga dalkaas.

Dagaalyahanada TPLF iyo kooxda xulufada ay yihiin ee Oromada ee OLA ayaa toddobaadyadii tegay sheegtay inay qabsadeen dhowr magaalo, meeshana kama saarin inay u ruqaansan doonaan Addis Ababa.

Dowladda, oo beenisay in caasimadda ay halis ku jirto, ayaa si kastaba ku dhowaaqday xaalad deg deg ah, waxaana mas’uuliyiiinta deegaanada qaarkood ay shacabka weydiisteen inay difaacaan magaalada.

“Sheekada ku saabsan in dadweynaha Addis Ababa ay si xooggan nooga soo horjeedaan waa mid laga badbadiyey,” waxaa sidaas yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda oo wareysi siiyey wakaaladda wararka AFP.

“Addis Ababa waa dheri. Dad dano kala duwan leh ayaa ku nool Addis. Sheegashada ah in Addis ay isku beddeli doonto meel dhiig ku daato haddii aan soo galno waa mid nacasnimo ah,” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -