Ahlu Sunna oo dooneysa in Ra’isul Wasaare ka noqoto Dowlad Goboleedka Galmudug

Guddoomiyaha guud ee kooxda Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarah, ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arimo dhoor ah ay kamid yihiin dagaalkii ay la galeen Galmudug iyo wadahadalo la filayo in ay dhacaan.

Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dadaalo la sameeyay ay keentay in ay ka baxaan magaalada Guriceel oo ay kula dagaalameen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada, waxa uuna sheegay in Ahlu Sunna wali joogaan deegaano ku dhaw Guriceel.

Gudoomiyaha Ahlu Sunna ayaa sidoo kale beeniyay in dagaalkii ay la galeen ciidanka dowlada iyo kuwa Galmudug taageero dhaqaale iyo mid kalaba kaga heleen maamulka Puntland iyo dowlada Iiran.

Waxa uu sheegay Macalin Maxamuud in aysan wali bilaaban wadahadaladii lagu balamay markii ay ka baxayeen Guriceel, waxa uuna shuruud adag oo u muuqda in aysan Galmudug aqbali doonin ku xiray wadahadalo xal looga gaaro dagaalkii dhacay.

Macalin Maxamuud ayaa cadeeyay in qodobka ugu weyn ee gor gortankooda uu yahay in loo soo celiyo xilka Ra’isul Wasaaraha Galmudug ay horey u heesteen dhanka Galmudugna heesato Madaxweynaha maamulka.

“Wadahadalka waxaan ku gali karnaa in Ahlu Sunna ay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaarenimo ee maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha”.ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Gudoomiyaha Ahlu Sunna ayaa cadeeyay in ay aqoonsan yihiin maamulka Galmudug uu hogaamiyo Madaxweyne Qoor Qoor, hasa ahaatee waxa uu kahor yimid in iyaga loo diido in ay tagaan Dhuusomareeb iyo Guriceel uu sheegay in ay kasoo jeedaan kuna dhasheen.

Dagaal dhiig badan ku daatay ayaa magaalada Guriceel waxaa ku dhax maray ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug oo gacan ka helayay kuwa dowlada federaalka, mana jiraan  wax wadahadalo toos ah oo furmay tan iyo markii Ahlu Sunna ka baxeen Guriceel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -