Xubno ka Socday Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo la kulmay Hogaamiyaha TPLF

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa wada dadaalo xal looga gaarayo xiisada colaadeed ee ka aloosan Waqooyiga dalka Itoobiya gaar ahaan Deegaanada Tigrey iyo sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka xaalada adag ku jira.

Madaxweynihii hore ee dalka Nageria Obasanjo oo ah Ergeyga Midowga Afrika uu qaabilsan arrimaha Itoobiya iyo Madaxa Qaramada u qaabilsan arrimaha banii’aadanimada iyo gargaarka Martin Griffiths, ayaa gaaray magaalada Makalle ee caasimada Tigrey.

Xubnahan ka socday Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael , waxa ayna kala hadleen sidii loo soo afjari lahaa colaada taagan iyo sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka colaada saameesay.

Warbaahinta ku hadasha afka maamulka Tigrey ayaa sheegay in Hogaamiyaha TPLF kala hadlay madaxda ka socotay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay qalalaasaha ka taagan Itoobiya iyo sida gargaarka lagu gaarsiin shacabka iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Ergeyga Midowga Afrika uu qaabilsan arrimaha Itoobiya iyo Madaxa Qaramada u qaabilsan arrimaha banii’aadanimada ayaa dib ugu laabtay magaalada Adis Ababa , waxaana la filaya ain ay la kulmaan madaxda Itoobiya si ay xal ugu raadiyaan xiisada taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -