Allbanaadir.com
NEWS

Heshiis ku saabsan Hanaanka Saami qeybsiga wax soo saarka Dalka oo la ansixiyay

Guddiga wasaaradaha ee u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka.

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan la ansixiyay ee hanaanka saami qeybsiga..

“Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii  kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna Dowladda Federaalka ku howlan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ka tirsan Yurub oo ay soo wajaheen koronto iyo biyo la’aan ka dib markii.. (Sawirro)

Caydiid Ali

In ka badan 40-Xildhibaan oo maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

Cabdi Cade

Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo xilka la wareegay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---