Abiy Axmed oo Baaq Xasaasi ah oo lagu bad baadinayo Itoobiya u diray Shacabka

Dalka Itoobiya gobolo kamid ah waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo jabhado isku baheestay in ay meesha ka saaraan Maamulka uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Dowlada ayaa wada abaabulka dhinaca shacabka ah si ay isaga difaacaan duulaanka TPLF iyo jabhada la socda ee ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyay in Itoobiya  ay sameyso “naf-huris” lagu badbaadinayo dalka iyo dadka, waxa uuna shacabka ugu baaqay in naftooda huraan si dalka loo bad baadiyo.

“Waa in la sameeyaa naf-hurid, taasi oo badbaadin doonta Itoobiya Waxa aan wajahnay imtixaanno iyo caqabado kuwaasi oo innaga dhigay kuwii sii xoogeystay. Waxa aan leennahay xulufo ka badan kuwa ay haystaan dadka naga soo horjeestay,” ayuu yiri Abiy.

Baaqan uu Ra’isul Wasaare Abiy Axmed diray ayaa kusoo aadaya xili colaada Itoobiya ay sii xoogeesatay ayna isbaheysi cusub sameesteen sagaal jabhadood, waxaana hada taagan cabsi laga qabo in jabhada hubeesan weerar ku qaadaan magaalada Adis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -