Cumar C/Rashiid oo si kulul uga hadlay Xarigii Muqdisho loogu geestay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame

Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumada Soomaaliya hadana ah Xildhibaan katirsan Aqalka sare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa si kulul uga hadlay xarigii magaalada Muqdisho loogu geestay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Cumar Cabdirashiid oo la hadlay Idaacada VOA ayaa si kulul u cambaareeay weerarka iyo xariga loo geestay C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxa uuna ugu baaqay Dowlada in si deg deg ah usiidaaaan Siyaasigan xiran.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya in wax laga xumaado yihiin dhacdooyinka cusub ee kusoo kordhay magaalada Muqdisho ee lagu doonayo in lagu caburiyo Siyaasiyiinta dhaliilsan Dowlada.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in caburintan soo cusboonaatay ay horseedi karaan hadii aan laga fiirsan in dalka dib ugu noqdo dagaaladii sukeeye iyo wadadii bur burka sida uu tilmaamay.

Waxa uu xusay in Qaran Dumis aan lagu eedeyn karin Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur, waxa uuna sheegay in qofka siyaasiga ee dhaliila Xukuumadda aan qaran dumis la dhihi karin, isla markaana qarankaan aanu aheyn labo qof iyo shaqsiyaad.

Sidoo kale Cumar Cabdi Rashiid ayaa wax laga weeydiiyay in xiligaan uu ku howlan yahay diyaarinta iyo kicinta Xildhibaano doonaya in ay mooshin ka gudbiyaan madaxda Qaranka ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Runtii wax mooshin ah oo aan aniga ku mashquul sanahay majirto,waxaan kuu sheegayaa in xiligii aan musharaxa ahaa an taageeray farmaajo,anaga siyaasyiyiin ayaan nahay dalkaana waan soo maamulnay wixii dalka dhibanaya naga kama aamusi doono ayuu yiri Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/Rashiid ayaa saaxiib dhaw la ahaa Siyaasigan xiran ee C/raxmaan C/shakuur, waxaana labadan siyaasi lagu xantaa in xiriir hoose kala dhaxeeyo dowlada Imaaraatka kana wada shaqeenayaan sidii xilka looga tuuri lahaa Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -