Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Diyaarad ku gubatay Garoonka Diyaaradaha Doolow (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha degmadaasi goordhaw ku gubatay diyaarad nuuca yar yar oo halkaasi ka dejisay agab kala duwan.

Diyaarada ayaa la sheegay in uu dab qabsaday xili garoonka ka degtay , waxaana lagu guul dareestay in diyaaradaasi si deg deg ah loo damiyo maadaama garoonka uusan laheyn gaadiidka dab damiska.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in diyaarada dab xoogan uu qabsaday markii garoonka kasoo degtay, dabka ayaana mudo heestay diyaarada iyadoona dadka qaar isku dayayeen in biyo sakeelo lagu qaaday ku damiyaan.

Diyaaradan ku gubatay garoonka diyaaradaha Doolow ayaa la sheegay in ay waday agab kala duwan ay ku jiraan matooro, lamana oga ilaa hada waxa sababay dabkan khasaaro xoogan diyaarada gaarsiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabe Gabadhiis u geestay Dil Sharafeed lagu tilmaamay iyo Carro xooggan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Maxkamad Al-Shabaab ku laheyd gobolka Sh/hoose oo la burburiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa saaka ka dhacay bartamaha degmada Caabudwaq ee gobolka Galgaduud?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---