Maxaa saaka ka dhacay bartamaha degmada Caabudwaq ee gobolka Galgaduud?

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Gedo waxaa saaka lagu dilay mid kamid ah Darawalada Gaadiidka Jaadka ( Khaadka) keena degmadaas sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Marxuum Mahad Farabadan ayaa waxaa la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay Nin ay saaxiibo ahaayeen ka dib khilaaf soo kala dhex galay.

Goob joogayaal ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa sheegay in Ninka la dilay iyo kan wax dilay ay wada isticmaalayeen waxyaabaha Maanka dooriya taasoo keentay inay is khilaafaan ka dibna midkood la dilo.

Ninka dilka geystay ayaa la soo sheegayaa inuu baxsaday, iyadoo saraakiisha Amniga degmada Cabudwaaq ayaa sheegeen inay ku raad joogaan Ninka baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -