(Sawirro) Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Isbitaal ku yaalla Magaalada Kabul

Ku dhowaad 30 qof ayaa la soo sheegaya inay ku dhinteen weerrar lagu qaaday isbitaal milateri oo ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Weerarkaasi waxa uu ku bilowdo laba qarax oo waa wayn. Afhayeen u hadlay ururka Taalibaan ayaa xaqiijiyay in qaraxa hore uu ka dhacay albaabka laga soo galo isbitaalka, midka labaadna uu ka dhacay meel aanan halkaasi sidaasi uga fogayn.

Shaqaalaha ayaa sheegay in gudaha isbitaalka uu ka soconayo dagaal culus ayna ciidamada Taliban la dagaalamayaan rag hubeysan oo gudaha u galay.

Kalkaaliso ayaa sheegtay in dadka weerrarka soo qaaday ay tooganayeen cidkasta ee ay arkaan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerrarkaasi hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in dhowr dagaalyahan oo ka tirsan Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ay galeen gudaha Isbitaalka ayna la dagaalameen ciidammada ammaanka Maamulka Taliban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -