Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay hub aad u tiro badan ay ka qabsadeen Ciidanka DF (Sawirro)

Al Shabaab ayaa mar kale soo bandhigtay hub aad u tiro badan iyo agab kale oo nuuca ciidamada ah oo ay sheegeen in ay kusoo furteen weerarkii maalin kahor ku qaadeen deegaanka Masagaway ee gobolka Galgaduud.

Hubka Al Shabaab soo bandhigeen ayaa isugu jira gaadiidka nuuca dagaalka ah ee loo yaqaan Cabdi Bilaha iyo sidoo kale hub nuucyo kala duwan leh, rasaas iyo dharka ciidamada iyo kabaha ay isticmaalaan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in hubkan iyo agabka ciidanka kasoo furteen ciidankii laga keenay dalka Eritrea, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in weerarkan ku dilay askar aad u tiro badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilantay kahor taga weerarada gaadmada ah ee kooxda Al Shabaab kusoo qaadaan xeryaha ciidamada, waxa ayna Al Shabaab marar badan gaadiid dagaal iyo hub ku qabsadeen weerarada gaadmada ah ay xeryaha ku qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni iyo Axmed Madoobe oo Markooda la kulmay wakiilada beesha caalamka

Caydiid Ali

Safiiro Afrikaan ah oo warqadaha aqoonsiga ku wareejiyey Xassan Shiikh (Sawirro)

Caydiid Ali

Dib u dhac ku yimid Shirka rasmiga ah ee DF iyo kuwa maamulada iyo Sababta keentay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---